MADAXWAYNE FARMJO O KA HADALAY SABABTA FARMAJO LOGU BIXIYAY IYO SIDI AY XASKIISA ISKU BARTEEN AQARSO

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareysi dheer siinayey wargeyska Sharqal-Awsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin waxbaqadkiisa boqolkiisa maalmood, xiriirada arrimaha dibeda, dhaqaalaha, amniga dalka iyo arrimo kale oo badan.

Marka laga soo tago arrimahaas madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shaqsiyadiisa sida taariikhiisa nololeed, halka ay isku barteen xaaska uu hadda qabo iyo sababta loogu bixiyey naaneysta uu caanka ku yahay ee Farmaajo.

“Magacayga waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ku dhashay Muqdisho 55 sano ka hor xaafadda Iskuraran (Waa xaafad Obosiibo oo qeybta qadiimiga ah ee Muqdisho ku taallay, todobaatanaadkii ayaa la burburiyay, hadda waxaa laga dhisay beerta nabadda, aabaheey ayaa xilligii gumeysiga Talyaaniga magaalada soo galay.

Waxaan wax ku bartay Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana ku takhasusay daraasaadka Mareykanka, waxaan ka qalinjebiyay Jaamacadda Buffalo ee gobolka Newyork. Waxaan ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeeysay November 2010- June 2011. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la ii doortay 8dii February ee sanadkan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyey halka ay isku barteen xaaskiisa iyo sida ay isku guursadeen. 

“Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washinton iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabar.

Sababta loogu bixiyey naaneysta uu ku caaan baxay ee Farmaajo ayaa la weydiiyey madaxweynaha Somalia wuxuuna ku jawaabay:

“Marka hore aabahay ayaa la oran jiray Farmaajo, waa eray Talyaani ah oo waxaa laga wadaa “Bur-cad”. Naaneystaan waxay ka timid sheeko qosol leh; oo ahayd ciidankii talyaaniga ee kontomeeyadii ka talinayay waddanka ayaa soo xiray koox dhallinyara gumeysi-diid ah oo aabahey uu ku jiray, cuntada maxaabiista la siinayay ayaa waxaa kamid ahaa Farmaajada oo Soomaalida intooda badan ku cusbeyd xilligaas, Aabaheey saaxiibadiis waa diideen in ay cunaan, balse isagu horay ayuu u yaqaannay oo wuu cuni jiray wuuna jeclaa waliba, dhallinyarada la xirnaa oo 11 ahaa ayaa isugu soo dari jiray maalin walba qoondadooda, markaas ayuu kaligii cuni jiray, kadib ayey u bixiyeen Farmaajo, maalintaas laga soo billaabo qoyska waxa uu watay naaneystaas anigana sidaas ayey iigu baxday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Comments