SHINBIRKA DAAUUSKA OO DAL QAATI KA TAAGAN YAHAY DAAWO SAWIRADA


Shimbirka loo yaqaan Daa’uuska oo ka mid ah xaywaanada ugu quruxda badan caalamka ayaa dhibaato ku haya shacabka dalka Australia.
Daa’uuska oo asal ahaan ku tarmi jirey qaarada Aasiya ayaa waxaa Australia geeyay gumeystihii ingiriiska.
Dowladda hoose ee caasimadda Australia ayaa soo jeedisay sharci cusub oo lagu dhimayo tirada xayawaanka daa’uuska oo la sheegay in tiradiisa ay faraha ka sii baxayso, balse qorshahaasi ayaa lagu kala qeybsamay.
Sida uu qorey wargeyska Camberra Times, waxa qorshuhu uu yahay in sanad kasta la laayo tiro cayiman oo daa’uuska ah si loo dhimo tirada.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in daa’uuska uu ciriiri galiyay shimbirihii kale, islamarkaasna kula tartamayo quudka, isaga oo sidoo kale xaaluf ku haya dhirta, sida la sheegay.
Waxa kale oo la sheegay in ay sabab u noqdeen shilal badan oo dhacay kadib markii ay si lama filaan ah waddooyinka usoo galeen.
Wargeyska ayaa waxa uu sheegay in Daa’uuska uu noqday xayawaan maalin kasta la arko, isaga oo xitaa qof uu ku arkay isaga oo suuli dhex taagan, muraayadana iska dhex eegaya.
Daa’uuska tirada badan ee dalkaas ku nool waa mid ay warbaahinta dalkaas si baahsan uga faalootay, caana ku yahay.
Magaalo kale oo Australia ku taala, Brisbane ayaa iyaduna horey u meelmarisay sharci ay ku xakamaynayso taranka daa’uuska, waxaana dadka laga mamnuuco in ay sidii rabbaayad u heystaan noolahan, qofkii jabiya sharcigaasna uu muteysanayo ganaax lacageed oo dhan $4894 doolar.
Cabashooyinka laga qabo xayawaanka ayaan waxaa ka mid ah ciydiisa oo qeylo ah iyo waxyeelo uu u geysto hanti ay dadka leeyihiin.
Balse dadka deegaanka ayaa badankood dhaleeceeyay sharciga cusub ee lasoo jeediyay, waxayna sheegeen in daa’uuska uu yahay wax loo baahanyahay.





Comments