DAG DAG DAGAL LAGA CABSI QABO IN U KA QARXO QEYBA KA MID AH MAGALADA MOGADISHU

Wararka aan ka heleyno Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xiisad ay xiligan ka jirto qeybo kamid ah Degmadaasi, xiisada ayaa u dhaxeysa Ciidamada isku dhafka ah ee hub ka dhista kawada Muqdisho iyo ciidamo lale oo xiran dareeska Milatariga.

Ciidamada Isku dhafka ah ayaa la sheegay in howlgal u aadeen degmada Wadajir ayna isku dayeen in hub ka dhigis ku sameeyaan ciidamo hubeesan oo xiran dareeska Milatariga Soomaaliya kuwaa oo ku sugan qeybo kamid ah degmada Wadajir.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada hubeesan ayaa ka biyo diiday in hubka laga dhigo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban oo dhax maray ciidamada isku dhafka ah iyo cidanka hubka ka dhigista diiday.


Labada ciidan ayaa wali lagu soo waramayaa in ay is hor fadhiyaan, waxaana laga cabsi qabaa in uu mar kale dagaal ka dhax qarxo labadaasi ciidan ee kawada tirsan dowlada Soomaaliya balse kala ujeeda ah, waxaana labada dhinac soo kala gaaray gurmadyo kala duwan.

Ciidamada isku dhafka ah ee howlagalada hub ka dhigista kawada magaalada Muqdisho ayaa amar lagu siiyay in ay awood adeegsadaan cidii diida in hub ka dhigis lagu sameeyo, waxaana mararka qaar howlgalka hub ka dhigista ka dhasha khasaaro.

Comments