DIL MOGADISHU KA DHACAY

Waxaa goordhaw Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Suuqa Khaliifa lagu dilay nin la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kooxo biskoolado ku hubeesnaa ayaa ninkan ku dhax toogtay halka ay ku yaalaan Harqaamaanka ee ku dhaw Suuqa Khaliifa , waxaana marxuunka la dilay magaciisa lagu sheega Cabdi Salaan Siidow Baaba.

Kooxihii dilka ka dambeeyay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo goobta ka qaaday Meydka marxuunka la dilay una qaaday xarunta CID-da.

Dilalka loo geesanayo dadka kamid ah Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamanaka Soomaaliya ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana ergooyinka ugu badan ee la dilay ay yihiin kuwa Xildhibanaada kusoo doortay magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo.

Comments