Farmaajo oo bari Cadada tagaya

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa iney maalinta beri ah gaaraan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay iney tahay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo dhowaan xilkaas loo doortay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumada Somalia Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado isagoo gogolxaar u ah safarka Mdaxweynaha.

Sidoo kale Wufuud ay ka mid yihiin madaxda dowlad goboleedyada dalka qaarkood iyo wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney isla beri gaaraan magaalada Cadaado si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Madaxweyne Xaaf.

Siyaasiyiin fara badan, Qurba joog, masuuliyiin iyo xubno kale ayaa maalmahan ku qulqulayey Cadaado si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Xaaf, hotelada iyo guud ahaan degmada Cadaado ayaa la ciir ciiraya dadkii ugu faraha badnaa mudooyinkan, waxaana aad loo xoojiyey amaanka.

Comments