FarmaaJo oo Ka qayb Galaya Caleema saarka GaLmudug ee Xaaf iyo madaxda Mamul Goboled yada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno kale oo katirsan dowlada Federaalka ayaa goordhaw gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Farmaajo iyo xubnaha la socday ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug halkaas ay ka socoto munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Maamulada Punland, Koonfur Galbeed iyo Jubbland iyo wakiil ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa si toos ah hada uga socda Madaxtooyada maamulka Galmudug munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug, waxaana halkaasi khudbado ka jeedinaya Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada.



Comments