GARI WAXYABAHA QARXA LAGU SO BUUXSHAY O LAGU QABTAY MAGALADA

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa iyo agabyo kala duwan siday, kaa oo la doonayay in gudaha loo galiyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaariga ay ciidamada Puntland qabteen oo ahaa nuuca xamuulka qaada ayaa waxaa saarnaa waxyaabaha qarxa oo kala duwan, Isgaarsiinta casriga ay ciidamada kuwada hadlaan, darees ciidan iyo taargooyinka laga isticmaalo Somaliland iyo Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo nin oo la socday gaariga lagu qabtay waxyaabaha qarxa, waxaana ciidamada amaanka baaritaan ku wadaan cida iska laheed qaraxyadan iyo dadkii uu ku socday.

Magaalada Boosaaso ayaa sidan oo kale dhawaan loogu qabtay gaari kale oo waxyaabaha qarxa siday iyo ragii la socday, waxaana Maxkamada ciidamada Puntland xukun dil ah ku riday ragii la socday gaariga qaraxyada lagu qabtay oo afar nin gaarayay.

Comments