Madaxwayne farmajo oo gudi usaray xalada xabsiga dhexe





Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafaded uu ku sheegay inuu magacaabay guddi soo baara xaalada maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe.

Farmaajo ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada maxaabiista xabsiga dhexe, sidaas awgeedna uu guddigan u magacaabay iney warbixin ka soo siiyaan tirade maxaabiista xukuman, dembiyada ay galeen, iyo maxaabiista xukun sugayaasha ah.

Comments