NIN BARAKA CAYAAL KU LAYAY CABUD WAAQ

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay 15 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob dad barakacayaal ah loogu qeybinayey raashiin mucaawino ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayey wararku sheegayaan iney iskugu jiraan rag iyo dumar ka tirsanaa qoysaskii loo qeybinayey deeqda.

Ninka weerarkan geystay oo illaa hadda aan la sheegin waxa uu ahaa iyo sababta ku kaliftay falkan ayaa goobta ka baxsaday.

Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa si weyn uga argagaxay weerarkan lagu laayey dadka faraha badan, kuwo kale oo baddana lagu dhaawacay, iyagoo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Hadal heynta ugu badan degmada Caabudwaaq ayaa noqotay weerarka dhiiga badan uu ku daatay ee ka dhacay degmadaas, iyadoo lagu guda jiro bilowga bisha barakeysan Ramadaan, mana jiro war ka soo baxay maamulka degmadas oo ku saabsan falkan.

Comments