XILDHIBANO KA TIRSAN BARLAMANKA JUBALAND O XASANADI LAGA QADAY

Baarlamanka Juballand oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa xilkii Xildhibaanimo ka qaaday labo Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamankaas.

C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inay mucaaradeen Madaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaanada Baarlamaanka ee xil ka qaadista sameeyay ayaa sidoo kale ku eedeeyey labadan xildhibaan inay jabiyeen dastuurka Juballand.

Labada Xildhibaan ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inay ka biyo diideen xilka qaadista lagu sameeyay oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Waxay sheegeen in xildhibaan uusan xildhibaan kale xil ka qaadi Karin, waxayna baarlamanka Jubaland ku eedeeyeen meel uu hal nin leeyahay.

Axmed Madoobe ayaan ka hadlin arintan balse waxay u muuqataa inuu wax ka ogyahay maadaama xildhibaanadan lagu eedeeyay inay mucaaradeen sidaasna ku waayeen kuraastooda.

Labadan xildhibaan ayaa horey ugu eedeeyey maamulka Axmed Madoobe waxqabad la’aan iyo inuu ku dhaqmo nidaam Jabhadeed oo ka fog dowladnimada, iyagoo Axmed Madoobe ku sifeeyey hogaamiye keligii taliye ah.

Comments