DAD TIRA BADAN AYA CUDURKA JADEECADA UGU GEERIYODAY XAMAR

Maamulka degmada deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in gudaha degmadaasi ay ku dhinteen 20 ruux oo kamid ah dadka kunool degmadaasi.
Madaxa Samafalka degmada Deyniile C/laahi Xiirey ayaa sheegay in 20 qof oo kamid ahaa dadki ku soo barakacay dhawaan degmadaasi ay geeriyoodeen.
C/laahi Xiirey ayaa sheegay in degmada deyniile dhawaan dib u dejin loogu sameeyay in ka badan 2,500 oo dad barakacayaal ah kuwaa oo isaga soo cararay abaaro ka jira deegaanadi ay ku noolaayeen.
Xerooyin barakacaayl oo gudaha degmadaasi loogu sameeyay dadka ayaa la sheegay in maalmihi la soo dhaafay ay xaalad xun ku heysatay, Madaxa Samafalka Deyniile ayaa tilmaamay in cudurka jadeecada ay gudaha xerooyinka ugu dhinteen 20 qof oo 17 kamid ah ay carruur ay yihiin.
C/laahi Xiirey ayaa sheegay la dayacay dadka ku soo barakacay degmada deyniile islamarkaana dadka cunto iyo nolol caafimaad intaba aysan heysan.
Madaxa Samafalka degmada deyniile ayaa ugu danbeyn ugu baaqay madaxda dowladda iyo Ha’yadaha Samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan degmadaasi.

Comments