DONALD TRUMP O LAGU WADO IN UU KA BAXO HESHISKA CIMILADA ADUNKA




Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu si dhakhso ah u shaacin doono in Maraykanku ka bixi doono heshiiskii isbedelka cimilada ee lagu gaadhay Paris, hadalkiisanina wuxu soo baxay warbaahinta oo aad u hadal haysa in laga yaabo in Maraykanku ka baxo heshiiskaa.
Hadal kooban oo uu warfidiyeenka ku siiyey Aqalka Cad, ayaa madaxweynuhu kaga gaabsaday in uu si cad u sheego in uu go’aan arrintaa ka gaadhay iyo in kale. Waxuu se Trump sheegay in uu dhegaystay dad badan oo arintan ku kala aragti duwan.
Mar sii horraysay ayaa warbaahinta Maraykanka qaarkeed sheegeen in la filayo in madaxweynuhu shaacin doono in Maraykanku ka baxayo heshiiskaa isbedelka cimilada, si uu u meel mariyo mid ka mid ah ballannadii uu qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada.

Comments