DOWLADA MASAR OO DIIDAN IN TURKIGU SALDHIG KA SAMAYSTAAN SOMALIYA

Dowlada dMasar oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ayaa si cad uga soo horjeesatay saldhiga milateri ee dowlada Turkigu ka dhisaneyso Somalia.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Africa u qaabilsan dowladda Masar Muna Cumar ayaa halis aan la aqbali karin ku tilmaamtay Saldhiga Milatari ee Turkiga ka sameysanayo Soomaaliya.
Waxay sheegtay in Turkey aysan Saaxiib la ahayn Masar iyadoo ku eedeysay inay garab siiso argagixisada.
Sidoo kale Muno ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in saldhigaasi uu saameyn ba’an ku yeesho Amniga Masar iyo Carabta inteeda kale.
Dowlada Turkiga ayaa xiriirka u jartay Masar ka dib markii xukuumada Ankara ay ka soo horjeesatay milateriga uu hogaamiyo C/fitaax Al-Sisi ee sanado ka hor la wareegay talada dalkaas, isla markaana xabsiga dhigay Madaxweynihii sida Dimoqraadiga ahaa lagu soo doortay Maxamed Mursi.
Dowlada Turkiga ayaa marar badan ku celi-celisay ineysan saldhig milateri ka sameysanin Somalia, balse saldhiga ay Somalia ka dhiseen uu yahay mid lagu tababarayo oo kaliya ciidamada dowlada Somaia.
Madaxweyne Raccep Tayyep Erdogan ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro Saldhigan Milatari oo ah kan ugu weyn oo ay ku leeyihiin Dibadda kaasoo laga dhisay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhexeysa garoonka Aadan cadde iyo degaanka Jasiira.
Waxaa sadhigan la dhagax dhigay Bishii Maarso ee 2015 wuxuuna ka koob yahay Dugsiyo Milatari, Bakhaaro lagu keydiyo Hubka iyo Saanadda iyo weliba Dhismayaal Guryo loogu talo galay ciidamada, waxaana saldhigan ka howlgeli doona boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga

Comments