NABADOONA CUSUB OO LA LAYAY

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa dilal khaarajin ah caawa ka geystay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Dilka hore ayaa ka dhacay degmada Wadajir ka dib markii la toogtay laba Xidigle ka tirsanaa qeybta Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Laba xidiglaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/llaahi Cilmi Nuur, waxaana rasaas ku furay kooxo hubeysan oo bastoolado watay halkasoo uu markiiba ku qur baxay.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa isla caawa waxay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon si weyn looga garanayay degmadaasi.

Dilkan oo ka dhacay agagaarka Buundada Ansalooti ee degmada Waaberi ayaa waxaa fuliyay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Nabadoonka la toogtay oo lagu magacaabi jiray Nabadoon marxuum Maxamed Shiikh Abuukar ayaa waxaa uu ka soo jeeday beesha Shiikhaal Gendershe oo ka mid ah beelaha dadka loo yaqaano gibil-cadka.

Weerarka lagu dilay nabadoonka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay xaaskiisa oo lagu magacaabo Khadiijo Shiikh Cali.

Kooxaha dilalkan geystay ayaa goobta ka baxsaday ciidamada amaanka ayaana gaaray goobaha ay ka dhaceen iyagoo waday howlgalo lagu baadi goobayo raggii fuliyey.

Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee ka dhaca magaalada Muqdisho 12 saacadood ee la soo dhaafay, maanta ayeyna aheyd markii suuqa Bakaaraha lagu dilay nin la sheegay inuu ka mid ahaa ergooyinkii soo doortay xildhibaanada baarlamanka Somalia, dilalna noocan ahna inta badan waxa sheegta Al-shabaab.

Comments