QAR KAMID GUDOMIYA YAYASHI HORE E GOBOLKA BANADIR O LAGA YABO IN LAGA DHIGO WASIIRO





Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) dhawaan golaha Wasiirada maamulka Galmudug ku sameenayo isku shaandheyn balaaran.

Qaar kamid ah Wasiirada maamulka Galmudug ayaa la filayaa in booskooda waayi doonaan halka qaar kalana isku shaandheyn lagu sameyn doono, waxaana Wasiirada cusub kamid noqon doona xubno dalka horey xilal uga soo qabtay.

Sida aan Wararka ku helnay qaar kamid ah Gudoomiyaashii xilalka laga qaaday ee Degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Galmudiug ayaa laga yabaa in ay kamid noqdaan golaha Wasiirada cusub ee maamulka Galmudug,

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug waxaa hada ku sugan xubno kamid ahaa Gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banadair ee xilka laga qaaday, waxa ayna xubnahaasi dadaal ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen golaha Wasiirada Galmudug.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug cadaadis ku saaraya in golihiisa Wasiirada kusoo daro qaar kamid ah Gudoomiyaashii Degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa wax tarka leh ee Galmudug kasoo jeeda.

Gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ee dhawaan xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa Suuqa lagu sii daayay, mana jirto ilaa hada sabab rasmi ah oo xilka looga qaaday, waxaana lasoo daristay qaarkood cabsi ku aadan dhinaca amaankooda maadaama aysan heysan ilaalo ku filan.

Comments