SHAQSI CAN AH O LOO MAGACABAY AGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaa Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Fahad Yaasiin ayaa noqonaya agaasimihii 3aad oo loo magacaabo Madaxtooyada, saddexda bilood ee uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha cusub ayaa ahaa wariye horay uga soo shaqeeyey Telefishinka Al-Jazeera, qeybtiisa Carabiga xafiiska Muqdisho wuxuu kaalin maalgelineed doorashadii Farmaajo oo uu ahaa maalgeliyihii ugu weynaa ee ololaha doorashada.

Comments