wasaarada Dakada iyo gadiidka oo dignin culus soo saartay

Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda xukuumada Somalia ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsatada oo la xiriirta in la gaaray xilligii badxiranka oo socon doona bilaha Juun iyo bisha Setembar.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in la gaaray xilligii bad xiranka, isla markaana loo baahan yahay in maraakiibta iyo doonyaha culeyskoodu ka yar yahay ka 1200 MT ilaa 1500mt aysan isticmaalin baddaha maadama xilliyadan oo kale ay jiraan mowjado iyo dabeylo xoogan.

Agaasimaha Guud ayaa ka dalbay ganacsatada in ay ganacsigooda ku soo rartaan maraakiibta waaweyn si iyagoo badqab ah ay u soo gaaraan dekedaha dalka.

Sanad walba marka la soo gaaro Bilaha Juun illaa Septembar ayaa waxaa dabeylo xoogan ay ka bilowdaan badweynta India kuwaasoo ay barbar socdaan roobabkii xiliga Xagaaga oo si weyn looga dareemo magaalooyinka ku teedsan xeebaha Somalia.

Comments