Aguero → Milan, Sanchez → Man City, Martial → Arsenal & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah.

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Ingariiska ka soo baxa.
Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Ac Milan ayaa lagu soo waramayaa iney 80 Malyan oo Pound ugu dhaqaaqeyso soo xerogalinta Sergio Aguero oo 29-jir ah bisha January. (The Sun)
Rajada kooxda reer talyaani ee saxiixa Aguero wuxuu ka saacidayaa Manchester City iney lasoo saxiixato Alexis Sanchez iyadoo 20 Malyan oo Pound jeebka ugu shubi doonta. (Mail)
Arsenal waxey sidoo kale xiiseyneysaa 19-jirka weerarka kaga ciyaaara Everton Ademola Lookman. (The Sun)
Arsenal ayaa qorsheyneysa iney lasoo saxiixato weeraryahanka Manchester United Anthony Martial kaas oo 21-jir ah si uu badal ugu noqdo Alexis Sanchez. (Mirror)
Real Madrid ayaa xiiseyneysa isla markaana liiskeeda ku darsatay weeraryahanka Spurs Harry Kane oo 24-jir ah iyo 21-jirka qaranka England Dele Alli. (Marca)
Antonio Conte ayaa quuldareynaya inuu ka tago kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan si uu ugu laabto talyaaniga. (Express)
Alex Sandro oo 26-jir ah ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub iyadoo loo kordhin doono mushaarkiisa xilli Blues ay si ba’an u dooneyso. (La Gazzetta dello Sport)
Liverpool ayaa qarka u saaran iney u dhaqaaqdo 26-jirka Napoli daafaca bidix uga ciyaara Faouzi Ghoulam kaas oo sidoo kale xiiso ka helay.

Comments