Barcelona & Real Madrid El-Clasico: Oo Si Weyn Ugu Dagaalami Doona Soo Xerogalinta Daafaca Midig Ee Real Sociedad Alvaro Odriozola.

Barcelona & Real Madrid ayaa markaan ku dagaali doona daafaca midig ee Real Sociedad Alvaro Ordiozola kaas oo loo arko xirfadlaha tayo sare leh kaas oo markii ugu horeysay si geesinimo leh uga so muuqday qaranka La Roja.
La Masia ayaan si weyn u shaqeynin sanadahii ugu dambeeyay, waxaana la filayaa in tababaraha cusub ee Balaugrana Ernesto Valverde uu dib usoo nooleeyo, balse haatan waxey arkoodeen daafac midig oo ku haboon hanaanka kooxda.
Wargeyska Mundo Deportivo ayaa ka dhawaajiyay in labada kooxood ee ugu awooda badan Spain ay wakiilo soo daawada u direen kulankii xiisaha lahaa ee Spain & Albania si ay usoo daawadaan tayada uu kusoo bandhigo maaliyadda qaranka kulankiisa ugu horeeya.
Agaasimaha farsamada Barcelona Robert Fernandez ayaa shaaca ka qaaday in 21-jirkaan heerka caalami loo adeegsan karo garabka weerarka hadii ay lama huraan noqoto.
Odriozola kaliya xilli ciyaareedkii hore ayuu kasoo muuqday kooxdiisa Sociedad, balse haatan waa dooqa koowaad, waxaana soo baxaya loolanka u dhaxeeya labada kooxood si ay ula wareegaan.
Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu helo badalka Dani Carvajal kaas oo laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad kadib markii xanuun dhanka wadnaha ah uu soo wajahay, muddo laba bilood ayaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado.

Comments