DEG DEG Duqa Mogadhi Thaabit: ” Gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax Alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo tagay halka uu ka dhacay Qaraxii xoogaana ee gilgilay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wixii dhacay ku tilmaamay musiibo isagoo dalbaday in si deg ah loo soo gaaro dadka waxyeelada gaartay.
Halkaan hoose ka akhriso Farrintaada guddoomiyaha uu soo diray
” Intii dhimatay Alla Ha’unaxariisto, laakiin dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay.
Waxaan codsaneynaa Hay’addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro.
Waxaa ka dhacay Masiibo, dad ayaa ku jira Dhisme Hoostiis Fadlan qofkasta ha nasoo gaaro”.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraalkaan kale:
” Inaa lilaahi wa’inaa ileyhi raajicuun. Waa masiibo waxa dhacay maanta waxaan ugu baaqayaa umadda soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka deg degga. Hadda ayaan ka imid goobta qaraxa ka dhacay waxaana aad loogu baahanyahay gurmad deg deg ah kuwa aan geynay kuma filna. Fadlan ka qeybqaata gurmadka, qofwalba waajib baa saaran ee aan wadajir uga qeyb qaadano”

Comments