Halyeeygii Hore Brazil Luiz Ronaldo Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Dunida Kubadda Cagta Waqtiga Oo Dhan – Miyey Messi & CR7 Ku Jiraan?


Halyeeygii hore Real Madrid & xulka Brazil Luiz Nazario de Lima Ronaldo ayaa doortay shaxdiisa ugu fiican ciyaartoyda kubadda cagta waqtiga oo dhan, balse waxaa layaab noqotay in laga waayay kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo.
R9 oo laba jeer ku guuleystay koobka Aduunka ayaa la ciyaaray dhawr ciyaartoy oo xirfad dabiic ah leh sidoo kalana ka hor yimid, waxaana shaxdaan ka muuqata inuu kusoo koobay ciyaartoyda uu u aaminsan yahay iney yahiin kuwa ugu wanaagsan ee dunida waqtiga oo dhan.
Ciyaartoydaan waxey u badan yahiin jiilkiisa, waxaana ku jira sadex nin oo reer Brazil ah kuwaas oo laba ka mid ah ay iskala tirsanaayeen kooxdii Brazil ee ku guuleysatay koobkii Aduunka 2002.
Wadanka ay aadka ugu xifaaltamaan qaaradda Koonfurta America ayuu kasoo xushay laba xidig waana Diego Armando Maradona iyo Lionel Messi.
Zinedine Zidane oo ay si fiican xusuus isugu leeyahiin markii ay iska hor yimaadeen koobkii Aduunka 1998 iyo waqtigii ay is caawin jireen ee Real Madrid ayaa kasoo muquday halka afar xidig oo talyaani ahna uu doortay: Buffon, Pirlo, Maldini & Cannavaro.
Boqorka kubadda cagta PELE ayaa ku jira shaxdaan kaas oo ah shaqsi lagu xushmeeyo dunida, marka ay noqoto in lasoo hadal qaado kubadda cagta

Comments