Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo si weyn loogu soo dhaweeyey Kismaayo dawo sawirada

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegayo inay halkaas gaareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Xaaf iyo Waare.
Labadaan Mas’uul ayaa saakay ka kala dhoofay Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado iyo midka Muqdisho, waxayna hoggaaminayeen wafdi heer sare ah.
Labadaan Madaxweyne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo in saacadaha soo socdo uu halkaas gaaro Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo kasoo dhoofay Magaalada Garoowe.
Waxaa Kismaayo hore usii joogay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana hadda muuqato in dhammaan Madaxdii maamul Goboleedyada ay isugu tageen Kismaayo oo la filayo inuu berri ka furmo shirka ay yeelanayaan Madaxdaas oo uu soo agaasimay Axmed Madoobe.
Shirkaas ayuu Sheegay Axmed Madoobe inaan laga soo saari doonin waxyaabo liddi ku ah dowldda dhexe, balse waxaa xaqiiq ah inaysan kasoo bixi doonin qodobo lagu taageerayo dowladda dhexe iyo go’aankeeda Khilaafka dowladaha Khaliijka.




Comments