Manchester City Oo Lacago Waalli Ah Kusoo Jiidaneysa Alexis Sanchez Xilli Sergio Aguero Lala Xiriirinayo Ac Milan warar cusub

Manchester City ayaa diyaar u ah iney lacag dhan 20 Malyan oo Pound jeebka ugu shubto Alexis Sanchez bisha January si uu u doorto nolosha garoonka Etihad Stadium sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Arintaan ayaa imaaneysa xilli warbaahinta talyaaniga qudhooda ay qorayaan in Ac Milan ay isha ku heyso xaaladda Sergio Aguero, waxaana muuqanaya suuragalnimada in xidigii hore Barcelona uu badal macquul ah u noqdo xidigii hore Ateltico Madrid.
Alexis Sanchez muddo badan ayuu bartilmaameed u yahay Pep Guardiola, wuxuuna doonayaa inuu ku xoojiyo weerarkiisa, walow uu haatan heysto wiilal xoogan oo gooldhalintooda ay sabab u noqotay iney kooxda hogaamiso Premier League.
Imaatinkiisa waxey su’aal weyn galin kartaa hanaanka Sergio Aguero, waxaana la fahansan yahay in macalinkii hore Barcelona uu 29-jirkiisa reer Argentina u ogolaan doono inuu isaga guuro Etihad Stadium.
Aguero durba wuxuu dhaliyay 7-gool, 8-kulan oo uu kasoo muuqday kooxdiisa xilli ciyaareedkaan sidoo kalana wuxuu hal gool u jiraa inuu barbareeyo Erik Brook oo ah halyeyga ugu goolasha badan taariikhda Citizens kaas oo 177-gool dhaliyay intii u dhaxeysay 1927 ilaa 1940-kii.
Sanchez ma doonayo inuu sii joogo Gunners madama aysan kooxda usoo bixin Champions League, sidoo kalana uusan u arkin iney u tartami karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan.

Comments