Maxaa Looga Shakiyay Dhaawacii Uu N’Golo Kante Uga Baxay Kulankii Bulgaria Miyuuse Seegi Karaa Garoomada Dhawr Isbuuc? Chelsea o yaban

Kubad burburiyaha Chelsea [N’Golo Kante] ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay xalay xulkiisa guusha ka heleen Bulgaria, kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada yurub, balse wali wax warbixin ah lagama helin dhaawaciisa.
Ciyaariyahanka wuxuu xanuun ka sheeganayay muruqa bowdada ee lugta bidix, waxaana looga shakisan yahay inuu dhaawaca yahay mid muruqa ah, waana dhaawacyada mudadada badan u diiday iney garoomada kasoo muuqdaan Paul Pogba iyo Ousmane Dembele.
Warbixin caafimaad lagama soo saarin dhaawaciisa, balse waxaa la dareensan yahay inuu dhawr kulan seegi doono, gaar ahaan kulamada ay kooxdiisa la ciyaari doonto Crystal Palace iyo As Roma.
Jamaahiirta Blues ayaa ka walwalsan xaaladiisa, madama uu yahay faraska ugu fiican oo ay heystan isla markaana ay aaminsan yahiin inuu ka hor istaagi karo qatar walba oo kusoo fool leh intii awoodiisa ah.
Maanta ayaa la filayaa in warbixin caafimad laga soo saaro, waana dhibaato hor leh oo soo wajahday Antonio Conte madama uu horay uga walaacsanaa xaaladda Alvaro Morata.

Comments