Sergio Ramos Oo Ogolaaday Inuu Heshiis Cusub Saxiixo, Perez Oo Wada Olole Cajiib Ah & Faah-Faahinta Heshiiskiisa Oo Dhameystiran

Inkastoo ay Real Madrid dhib badan ka martay heshiis kordhintii Sergio Ramos ee sanadkii 2015, hadana sanadkaan wax dhib ah uma marin durba ayuuna ogolaaday inuu kooxda lasii joogo waqti loo gartay inuu kabaha ku siibi doono caasimadda.
Sida lagu qoray wargeyska Marca, heshiiska dhexmaray Real Madrid & ciyaariyahanka wuxuu si khaas ah u dhacay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyadoo aan cidna loo sheegin.
Sergio Ramos & Florentino Perez ayaa si fiican isku fahmay, waxeyna labaduba dareemeen inaan loo baahneyn shaacinta heshiiska cusub, kaas oo kabtanka qaranka La Roja kusii heyn kara Estadio Santiago Bernabeu ilaa June 2021.
Xiriirka u dhaxeeya Florentino Perez iyo Zinedine Zidane ayaa u ogolaaday daafacii hore Sevilla inu boos muhiim ah ku yeesho Los Blancos, waxey u noqon doontaa inuu 16-sanadood oo dahabi ah ku qaatay caasimadda hadii dhamesyto heshiiska la rajeynayo in la shaaciyo.
Wuxuu yimid isagoo da’yar, waa kabtanka kooxda ee haatan, wuxuuna baxayaa isagoo tusaale u ah xidigaha ka dambeeya.
Sergio Ramos waxey heshiis kordhintaan ka dhigi doontaa mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan kooxda wuxuuna qaadan doonaa lacagaha ay qaataan Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo, balse kaliya waxaa lagu soo gaabiyay maalmaha soo aadan.

Comments