Warbixin: Arsenal Oo U Dhaqaaqeysa Soo Xerogalinta Anthony Martial Si Uu Badal Ugu Noqdo Alexis Sanchez & Qiimaha Ay Ku Heli Karaan

Arsene Wenger ayaa qorsheynaya inuu u dhaqaaqo Anthony Martial xagaaga soo aadan isagoo u tixgelinaya inuu badal u noqon karo Alexis Sanchez sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Weeraryahanka reer Chile [Sanchez] ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiska Gunners, mana doonayo inuuheshiis cusub saxiixo taasoo ka dhigan inuu daneynayo ka tagista garoonka Emirates Stadium.
Gunners si xor ah ayey ku weyn doontaa xidigii hore Barcelona, hadii aysan iibinin bisha January ee soo aadan, waxeyna u tahay fursadii ugu dambeysay oo ay kaga heli karaan lacag kaash ah.
Sidaas darteed Arsene Wenger ayaa durba ku fakaray badalkiisa wuxuuna maanka ku hayaa xidiga reer France [Anthony Martial] kaas oo aan boos joogto ah ka heysan garoonka Old Trafford.
21-jirkii hore As Monaco, waxaa la aaminsan yahay inuusan ku faraxsaneen nolosha Manchester iyo sida uu ula dhaqmo tababare Jose Mourinho, waxaana loo tixgeliyaa inuu leeyahay astaanta xidigii hore Gunners Thierry Henry.
Halyeyga Gunners ayaa amaanay todobaadkii hore Anthony Martial wuxuuna qiray inuusan ku heer aheyn Anthony markii uu isaga 21-jir ahaa.
Si kastaba Martial oo xagaagii 2015 kusoo biiray Red Devils, ayey ku heli kartaa Gunners aduun dhan 90 Malyan oo Pound.

Comments