AGAASIMAHA LAANTA SOCDAALKA IYO JINSIYADA SOMALIYA OO LA KOLMAY TALIYA SOCDAALKA IYO KAN BOOLISKA EE DALKA JABUUTI DAAWO SAWIRADA

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Koofi oo safar shaqo ku gaarey dalka Jabuuti, ayaa maanta la kulmey taliyaha booliiska iyo taliyaha socdaalka dalka Jabuuti.
Kulanka oo ka dhacey Taliska booliiska Dawladda Jabuuti, ayaa laga wadahadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka, isweydaarsiga khibradaha iyo xuduudka dhulka ee u dhaxeeya labada dal.
Agaasimaha oo ay safarka ku wehlinayeen saraakiil ka socota xafiiska xariirka dibadda ee heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa uga mahadceliyey taliska booliiska Jabuuti soo dhoweynta iyo weliba wadashaqeyntooda.


Agaasime Koofi ayaa dedaal xoogan ugu jira sidii heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia loo horumarin lahaa, isagoo arintaas safari ugu kala bixiya dalalka ka tirsan caalamka iyo magaalooyinka dalka qaarkood.



Comments