AQARSO RAISUL WASAARAHA OO SHIR KU SABSAN FATAHAADA WABIGA SHABEELLE KU QABTAY MOGADISHU

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga arinsanayo fatahaada Wabiga Shabelle iyo saameynta uu ku yeeshay magaalada Baladweyne.
Shirkan magaalada Muqdisho ka furmaya waxaa ka qeyb galaya R/Wasaare Kheyre iyo kuxigeenkiisa, Xildhibaano, Xubno katirsan Guddiga kahortaga Musiibooyinka iyo qaar kamid ah Hay’adaha dalka ka howlgala.
Waxaa looga hadlay shirkan intii uu socday sida ugu haboon ee loogu gurman karo dadka uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabelle gaar ahaan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne iyo magaalooyin kale.
Saameynta ugu badan ee Fatahaada Wabiga Shabelle ayaa saameysay magaalada Baladweyne, waxaana fatahaadan ku barakacay kumanaan dad ah kuwaa oo meel cidlo ah uga tagay guryahoodii iyo hantidii ay heesteen.

Comments