BOOLISKA SUCUUDIGA OO XABSIGA DHIGAY 30QOF OO SOMALI KUJIRA SABABTA LOO HAYSTO MAXAY TAHAY AQARSO


Ciidamada amaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga dhigay 30 qof oo ka 

soo kala jeeda 12 dal kuwaa oo lala xeriirinayo falal argagaxisnimo oo bishii April ka 

dhacay dalkaasi, sida boolisku sheegeen.

Dadkan la tuhmay ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana lagu hayaa baaritaano ku saabsan 

ineey xeriir la leeyihiin kooxaha Argagixsada loogu yeero, dadka la xir xiray ayaa ka soo 

kala jeeda dalalka Soomaaliya, Sudan, Yeman, Masar, Turkey, Kenya, Iran, Syria, 
Baxreyn iyo Kyrgyzstan.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sacuudi carabiya ayaa ah Afar Qof 

waxaana loo heystaa iney wada shaqeyn kala dhaxeyso kooxaha jihaadiyiinta ee 

weerarada ka geesta dalalka Yurub, Bariga Dhexe  iyo Africa.

Dad tiradoodu ay dhan tahay  5,348 qof ayaa xabsiyada dalka Sacuudi Carabiya ugu jira 

dambiyo ah ineey weeraro geesteen iyo in ay ka tirsan yihiiin kooxaha argagisiada, qaar 

ayaa racfaan doonaya ineey qaataan halka kuwa kalena baaritaano lagu hayo.

Sacuudiga ayaa feejignaan dheeri ah kaga jiro kooxaha loogu yeero argagixsada iyadoona 

dhawaan xoghaya guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres uu ku amaanay 

xukuumada Riyad sida ay kaga go’antahay in kooxahaasi laga feejignaado

Comments