CIIIDAMO KA TIRSAN DOWLADA OO LOO TABABARAYO KA HOR TAGA QARAXYADA DAAWO SAWIRADA


Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa tababar ku saabsan ka hortaga qaraxyada loogu soo gabagabeeyay Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.
Tababarkan ayaa loo qabtay in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ururka saddexaad oo ka tirsan guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka oo ka howlgala Magaalada Buula burde, waxana tababarkan bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.
Taliyaha Ciidamada Ururka saddexaad Col. Cabdullahi Barre  ayaa sheegay in waxyaabaha ay barteen ciidamada ay ugu adeegi doonaan shacabka si looga hortago weerarada & qaraxyada ee ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu mahad celiyay Saraakiisha ciidamada AMISOM ee tababarkan bixinayay isagoo sheegay inuu wax badan ka  ka badali doono  khatarta ay kala kulmaan ciidamada iyo shacabka qaraxyada ay dhigaan  Al-Shabaab.



Comments