CIYAARTII XULKA QARANKA SOMALIYA IYO KAN TANZAANIYA OO MARDHAW SOO DHAMATAY FINALKI AQARSO DAAWO SAWIRADA

Waxaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey dalka Burundi tartankii xulalka bariga iyo bartamaha afrika CECAFA ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada, iyadoo ciyaarta finalka ah ay isaga hor yimaadeen xulalka Somalia iyo Tanzania.
Guud ahaan 90kii daqiiqo ee loogu talo ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday xulka Tanzania oo noqday horyaalka CECAFA ee sanadkan, inkastoo Somalia goolal ay dhaliyeen laga diiday.
Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis ay Soomaaliya ku gacan sarreysay inkastoo Daqiiqadihii hore uu soo da’ay roob sababay in ciyaarta la hakiyo ugu yaraan 30 daqiiqo.
Hase ahaatee, markii la soo laabtay halkii ay Soomaaliya ka sii waday beegsiga goolka Tanzania walow aysan helin goolka daah furka.
Xulka Tanzania ayaa helay goolka koowaad daqiiqaddii 25-aad iyaga oo ka faa’ideystay dal daloolo ay ka heleen daafaca Soomaaliya.
Isla markiiba, xiddiggaha Soomaaliya waxay bilaabeen isku day ay isaga soo gudayaan goolka waxa ayna dhaliyeen gool balse waxaa looga diiday Offside ahaan.
Isla daqiiqadihii laga diiday goolka, weerar Soomaaliya soo qaaday waxa ay ku sigeen kubaddii ugu halista badneyd ciyaarta marka laga yimaado goolka ay Tanzania dhalisay.
Qeybtii labaad ee ciyaarta, xulka 17 jirada ah ee Soomaaliya waxa ay bilaabeen weerar cir iyo dhul ah oo ay ku asqeeyeen daafacyada Tanzania.
Kubaddo badan oo halis ahaa ayaa ku tuureen goolka balse ma dhicin inay goolka iska soo gudaan.
Daqiiqaddii 70-aad, kubad ay dhayalsadeen goolhayaha iyo daafacyada Soomaaliya ayey ku heshay Tanzania goolka labaad.
Halkii ayey xiddiggaha Soomaaliya ka sii ambaqaadeen hujuumka inkastoo ay ku adkaatay inay helaan goolka koowaad ee ay ku heli lahaayeen in ay ciyaarta ku soo ceshtaan.
Daqiiqaddii 79-aad, Soomaaliya waxay gool kale oo laga diiday ka dib markii kubadd birta gadaal ka martay ay shabaqa gudaha u gashay.


Guud ahaan 90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo kooxda Somalia loogu awod sheegtay inkasoo ay soo bandhigeen ciyaar aad u heer sareysay, waxayna galeen kaalinta labaad







Comments