DAG DAG BAABUURTA AMISOM OO DADKII KA DAAD GURAYNAYSA MAGALADA BALADWAYNE KADIB MARKI DAADADKU QAADEEN DAAWO SAWIRADA

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle, fatahaada Wabiga ayaa sababay iyo dad badan isaga barakacaan xaafadihii ay kaga noolaayeen magaalada .
Dadka guryahooda uga barakacaya Fatahaada Wabiga ayaa degaya deegaano kuyaala duleedka magaalada Baladweyne, waxaana dadka qaar magaalada uga baxayaan cagahooda halka kuwa kalana gaadiid ku baxayaan.
Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa ka qeyb qaadanaya sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka rayidka ah ee ku go’doonsan xaafado katirsan magaalada Baladweyne.
Gaadiidka ciidamada AMISOM gaar ahaan nuuca loo yaqaan Uuralada ee ciidamada lagu daad gureeyo ayaa ka qeyb qaadanayay daad gureynta dadka ku go’doonsan xaafado katirsan magaalada Baladweyne.
Ciidamada AMISOM ayaa la arkayay iyaga oo dadka shacabka gaadiidkooda ku daad gureenaya, waxaa sidoo kale daad gureynta dadka Fatahaada saameynta ku yeeshay ka qeyb qaadanaya gaadiidka cagaf cagafta loo yaqaan.





Comments