DAG DAG BANAAN BAXYO WA WAYN OO KASOCDA GUDAHA SOMALILAND KADIB XARIGII BOQOR BUUR MADOW


Shacab fara badan ayaa isugu soo baxay deegaanada Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag kuwaasoo ka careysan xarigii boqor Cusmaan Boqor Buur-madow oo xalay lagu xiray Magaalada Hargeysa.
Degaanadan ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Boqor Buur-madow ayaa waxaa dadkii isu soo baxay ay dalbadeen in la sii daayo boqorka.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa rasaas ku furay dadkaas dibad baxa dhigayay oo qaarkood rabshado sameynayey, inkastoo aan la soo sheegin khasaare ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamada  iyo in kale.
Booliska Somaliland ayaa Boqor Buur-Madow ku eedeeyay inuu fasax la`aan aaday degaanada Puntland isla markaana uu kaga dhawaaqay ereyo dhaawacaya Qarannimada Somaliland.

Comments