DAG DAG CABDIWALI GAAS OO KU SUGAN DALKA IMAARADKA AYAA SHEEGAY IN UU XOOG KULA HESHIINAYO IMAARADKA FARMAAJO UU KA ADAG YAHAY AQARSO

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madax katirsan Dowlada Imaaraadka .
Sida aan Wararka ku heleyno Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kala hadashay Madaxweyne Gaas sidii uu cadaadis u saari lahaa Dowlada Federaalka Soomaaliya oo hada khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Dowlada Imaaraadka .
Wadahadalo maalmo badan qaatay kadib ayuu Madaxweynaha Puntland shir jaraa’id oo ku baxayay luqada Ingiriiska waxa uu ku qabtay magaalada Abu Dhabi , waxa uuna shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arimo dhoor ah ay kamid tahay xiriirka Imaaraadka iyo Somalia.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa si cad u sheegay in maamulka Puntland uu xaq u leedahay in ay heshiisyo la galaan dowlado ama shirkado shisheeye, waxa uuna intaa raaciyay in Puntland dastuurka u qoran uu ogol yahay gelitaanka Heshiisyadaasi.
Gaas ayaa shirkiisa jaraa’id ku amaanay dowlada Imaaraadka Carabta, waxa uuna sheegay in dowladaasi tahay mida kaliya ee taageero weyn siisa maamulka Puntland, waxa uuna sidoo kale sheegay in Imaaraadka kunool yihiin ganacsato badan oo Soomaaliyeed.
” Waxaan idin sheegayaa Puntland xaq ayey u leedahay in Heshiisyo Horumarineed la gasho Dowlado iyo Sirkado shisheeye, Soomaliya ma aha Muqdisho,Muqdishana ma aha Soomaaliya,laakin mar walba majirto wax naga hor istaagaya in ay heshiisyo galno” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ku faanay in Puntland dhismaheeda uu ka horeeyay dowlada hada jirta, waxa uuna tilmaamay in Puntland la dhisay 1998-dii halka uu sheegay in dowlada Soomaaliya la dhisay sanadkii 2004-tii.
Dalka Imaaraadka Carabta waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland kuwaas oo heshiisyo la qariyay la galay dalka Imaaraadka lagana soo dhaa dhiciyay in dowlada Federaalka saaraan cadaadis siyaasadeed.

Comments