DAG DAG DILAL KALA GADISAY OO KA DHACAY MAGAALADA MOGADISHU

Kooxo hubeesan ayaa galabta xaafado katirsan magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen askar katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilalkaasi geestay.
Dilka hore ayaa ka dhacay Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafad ku dhaw Jaamacada Gaheyr, waxaana halkaasi lagu dilay askari katirsanaa ciidanka booliiska.
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa  soo gaaray halka lagu dilay askarigan booliiska katirsanaa, kumana guuleesan ciidamada amaanka in ay soo qabtaan kooxihii dilka ka geestay Dharkeenley,
Dhinaca kale askari kale oo katirsanaa ciidanka dowlada ayaa isna lagu dilay galabta meel ku dhaw Isgooska Howl Wadaag, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee iyana dilay askarigan.
Dilalka qorsheesan ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan ay imaanayaan xili Isgoosyada Muqdisho laga qaaday ciidamadii xasilinta ee inta nadan amaanka xaqiijin jiray.

Comments