DAG DAG DOORASHADI GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA OO LAGU KALA BAXAY YAA GUULAYSTAY IMISA COD AYASE LAKALA HELAY AQARSO


Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka, waxaana ku guuleestay doorashada Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo helay 145-cod
Musharax Ibraahim Isaaq Yarow oo tartan adag kula jiray Mursal ayaa isna helay 121  waxaana goordhaw la filayaa in Gudoonka golaha Shacabka si rasmi ah ugu dhawaaqaan natiijada doorashada.
Dad badan ayaa horey u saadaalinayay in Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku guuleesan doono doorashada, maadaama uu heestay taageerada inta badan Xildhibaanada wax dooranayay.
Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Maxamed Mursal Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga uu yahay nin ay wada shaqeyn karaan Madaxda sare ee dowlada sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Comments