DAG DAG KENYA OO WAR KASOO SAARTAY SABABTI LOO JOOJIYAY KULANKI CABDIRAXMAAN CABDI SHAKUUR AQARSO

Dawladda Kenya war ka soo saartay kulan ay maanta joojisay oo la filayey inuu ka dhaco magaalada Nairobi, kaasoo uu ka hadli lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee, Aadan Barre Ducaale.
”Waxaa kulankan joojiyay qolyaha qaabilsan amniga dalka. Wayna la hadleen dadkii qabanqaabinayay kulanka. Qofkii doonayo inuu u ololeeya xisbigaas, waa inuu ku sameeyaa gudaha Soomaaliya. Dowladda Kenya ma oggolaaneyso in waddankeeda uu nqodo kii looga duulayay Soomaaliya”, ayuu yiri Aadan Bare Ducaale.
Waxa uu sheegay in haddii la doonayo in xisbi la soo bandhigo ama loo ololeeyo inay dalkooda la aadaan laakiin Kenya aysan ogoleyn in Xisbi ka madax banaan kuwa Kenya ka jira ay shirar Siyaasadeed ku qabtaan gudaha Kenya sharciga wadanka Kenyana uusan ogoleyn.
Mar wax laga weydiiyey in tallaabadaas ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay iyo in kale ayuu sheegay in marnaba aysan kala hadlin dowladda Soomaaliya balse loo cuskaday sharciga Kenya.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Nairobi horay loogu qaban jiray kulamo iyo olole siyaasadeed oo qaarkood uu qeyb ka ahaa Farmaajo ka hor inta aan la dooranin” loogana soo horjeeday Madaxweynihii hore Xasan Shiikh.
Balse Aadan Barre ayaa beeniyey arintaas isagoo xusay inuusan horay uga dhicin Nairobi kulan noocan oo kale ah oo kumanaan qof la isugu yeerayo si loo mucaraado dowladda Soomaliya.

Comments