DAG DAG MADAXWAYNAHA RUUSHAKA OO BOOQSHA KU TAGAYA DALKA MARAYKANKA AYADO KHILAAFKI UGU XUMA KA DHEX TAGAN YAHAY AQARSO

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku casuumay dhiggiisa dalka Ruushka Vladamir Putin inuu booqasho ku yimaado caasimada dalka Maraykanka ee Washington.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu marti qaad u fidiyey dhiggiisa Madaxweyne Vladmir Putin, uuna booqan doono dhowaan Aqalka Cad.
Sergey Lavrov ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Putin uu hadda isku diyaarinayo in uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Waxaa uu intaas ku daray in Trump iyo Putin ay isku raacsanyihiin 100% in labada dal uusan ka dhex dhici dooniin iska horimaad Millatari.
Waa kulankii ugu horreeyay oo ceynkaan oo kale ah oo ay qaataan labada Mas’uul tan iyo markii ay xiisad soo kala dhex gashay xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, waxayna kulankooda ay diiradda ku saari doonaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada wadan.
Hase yeeshee martiqaadkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay ka dhex jirto xiisad siyaasadeed dalka Britain iyo wadanka Ruushka taasi oo ka dhalatay suntii lagu buufiyay sarkaal hore jaajuus ugu ahaa labada wadan ee Ruushka iyo Britain.
Xiisadaas ayaa sababtay in diblumaasiyiin badan oo Ruush ah laga eryo wadamo badan oo ku yaal qaarada Yurub iyo weliba wadanka Maraykanka waxayna dowlada Ruushka ay bixisay jawaab la mid ah talaabada ay qaadeen dalalka xulafada la ah Maraykanka.Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku casuumay dhiggiisa dalka Ruushka Vladamir Putin inuu booqasho ku yimaado caasimada dalka Maraykanka ee Washington.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu marti qaad u fidiyey dhiggiisa Madaxweyne Vladmir Putin, uuna booqan doono dhowaan Aqalka Cad.
Sergey Lavrov ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Putin uu hadda isku diyaarinayo in uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Waxaa uu intaas ku daray in Trump iyo Putin ay isku raacsanyihiin 100% in labada dal uusan ka dhex dhici dooniin iska horimaad Millatari.
Waa kulankii ugu horreeyay oo ceynkaan oo kale ah oo ay qaataan labada Mas’uul tan iyo markii ay xiisad soo kala dhex gashay xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, waxayna kulankooda ay diiradda ku saari doonaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada wadan.
Hase yeeshee martiqaadkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay ka dhex jirto xiisad siyaasadeed dalka Britain iyo wadanka Ruushka taasi oo ka dhalatay suntii lagu buufiyay sarkaal hore jaajuus ugu ahaa labada wadan ee Ruushka iyo Britain.
Xiisadaas ayaa sababtay in diblumaasiyiin badan oo Ruush ah laga eryo wadamo badan oo ku yaal qaarada Yurub iyo weliba wadanka Maraykanka waxayna dowlada Ruushka ay bixisay jawaab la mid ah talaabada ay qaadeen dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Comments