DAG DAG MADAXWAYNE CAAN AH OO DADKIISA KA MAMNUUCAY IN AY TAGAAN WADAN KA MID AH WADAMA CARABTA XASAASI AQARSO

Madaxweynaha dalka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa shacabka dalkaasi ka mamnuucay inay u shaqa tagaan dalka Kuwait oo ka mid ah dalalka carbeed ee khaliijka
Duterte ayaa bishii Febraayo ee sannadkan xayiraad kusoo rogay dadka dalkaasi ee u safra Kuwait, kadib markii qof shaqaale ah oo u dhashay dalka Philippines lagu dilay wadanka Kuwait.
Madaxweynaha dalkaasi ayaa sidoo kale ku booriyay labada boqol iyo kontonka kun ee qof ee u dhashay dalka Philippines inay dib ogu laabtaan dalkooda.
Dadkan ayaa intooda badan la sheegay inay yihiin dad ka xamaasha gudaha wadanka Kuwait. Duterte ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay dadkaasi ka caawin doonto sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa.
Xiriirka labada dal ee Philippines iyo Kuwait ayaa sii xumaaday, kadib markii dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Rodrigo Duterte ay ka carootay qaabka loola dhaqmo shacabka dalkaasi ee ku sugan dalka Kuwait.
Sidoo kale dowladda Philippines ayaa dowladda Kuwait ka dalbatay inay sharaxaad ka bixiso sababta ay dalkeeda uga soo eriday safiirkii u fadhiyay dalkaasi

Comments