DAG DAG MAXKAMAD KU TAALA HARGAYSA OO XUKUN 5SANO OO XABSI AH KURIDAY BOQOR BUUR MADOOW AQARSO

Maxkamada Magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday Boqor Cismaan Ow-Maxamuud (Buurmadoow) oo dhawaan socdaal aan maamulka raali ka aheyn ku tagay Deegaanada Puntland.
Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa Boqor Buurmadow ku riday shan sano oo xabsi ah kadib markii garsooraha Maxkamada sheegay in Boqorka lagu helay dambiyo lagu soo eedeeyay.
Ciidamada booliiska ayaa Xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Ow-Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay damiin ku joogay banaanka, waxaana Boqorka u bilaabanaya shan sano oo xabsiga ku qaadanayo.
Boqor Buurmadow oo dhawaan ka qeyb galay Caleemo saarka Beeldaaje Puntland kasoo jeeda ayaa khudbad uu munaasabadaasi ka jeediyay kaga codsaday Somaliand iyo Puntland in dagaalka joojiyaan lana kala qaado ciidanka isku hor fadhiya Tukaraq.
Maamulka Somaliland ayaa ka carooday hadalka kasoo yeeray Boqor Buurmadow , waxa ayna Ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen Boqorka xili uu kusoo laabanayay Somaliland kana soo degay Garoonka Hargeysa

Comments