DAG DAG RAG U SHARAXAN GUDOOMIYE NIMADA BARLAMAANKA OO SHIHAADADI AQOONSIGA LA GUDOONSIIYAY DAAWO SAWIRADA

Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federalka ayaa maanta diiwaan geliyay isla markaana guddoonsiiyeen shahaadooyinkooda musharaxnimo.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maalinta ah berri ah.
Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxa ay kala yihiin Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow, Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed, Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).
Waxaa la filayaa in musharaxiin kale inay berri gudbin doonaan codsigooda iyadoo la qorsheeyay in 30ka bishan April oo ku beegan Isniinta soo socoto ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka.






Comments