DAG DAG RAISUL WASAARAHA CUSUB EE ITOOBIYA OO KU DHAWAAQAY GOLIHIISA WASIIIRADA

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihii hore ee wasiirada dalkaas isagoo bedelay wasiirkii hore ee gaashaandhigga.
Abiy Ahmed ayaa magacaabay toban wasiir oo cusub balse waxa uu u dhaafay xilalkoodii wasiirka maaliyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Hailemariam Desalegn.
Baarlamaanka Ethiopia ayaa dhaariyay tobanka wasiir ee ku cusub xukuumada iyadoo wasiirkii hore ee shidaalka iyo gaaska Motuma Mekassa loo magacaabay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.
Golahan cusub ee wasiirada ayaa laga dhowrayaa inay isbedel ku sameeyaan wadanka Ethiopia oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay hareeyeen banaanbaxyo.
Abiy Ahmed ayaa 2-dii bishan loo dhaariyay xukunka dalka Ethiopia kadib markii uu iscasilay Ra’iisul wasaarihii hore Desalegn, waxana uu ka soo jeedaa qowmiyada Oromada oo ah qowmiyada ugu badan dalka Ethiopia.

Comments