DAG DAG SHURUUD ADAG OO KU XIRAN WASIIRADA ISKU SHARAXAYA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA AQARSO

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiyaha golaha Shacabka , kadib markii uu xilkaasi iska casilay Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa isku soo sharaxay Xildhibaano dhoor ah oo katirsan Golaha Shacabka, waxaana qaarkood yihiin Musharaxiinta Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya.
Shalay waxaa lagu dhawaaqay Guddiga doorashada Gudoomiyaha Gplaha Shacabka kuwaa oo qaban qaabinaya doorashada Gudoomiyaha , waxa ayna Guddigan durba soo saareen shuruudo saameenaya Musharixiinta qaar.
Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shuruud uga dhigay Wasiirka isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha in marka hore iska soo casilaan xilka kale uu hayo si uu tartanka uga qeyb galo.
Xildhibaan Cabdulaahi Aadan Shaacir oo kamid ah Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Wasiirada damaca uga jiro in ay u tartamaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka in marka hore xilka ay hayaan ka tanaasulaan.
Wasiirada isku soo sharaxay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaarkood la sheegay in ujeedkoodu ahaa hadii ay kursiga Gudoomiyaha waayaan in xilka Wasiirnimo sii hayaan, waxa ayna tani sababi kartaa in Wasiirada qaar ka laabtaan tartanka.
Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ah mid xiiso gaar ah leh, waxaana kursigan Doorashadiisa ku tartamaya Xildhibaano magac leh oo kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle, walina lama saadaalin karo cida kursigan kusoo bixi doonta.

Comments