DAG DAG WASAARADA AMAANKA OO WAR KASOO SAARTAY HUBKII IMAARADKA OO MOGADISHU LAGU KALA IIBSANAYO AQARSO

Afhayeenka Wasaaradda amniga Xukuumada Somalia C/casiis Xildhibaan ayaa si kulul u beeniyey warar saacadiihii la soo dhaafay  lagu faafiyey warbaahinta gudaha iyo dibeda oo sheegayey in hub laga boobay xeradii ay ka baxeen tababarayaasha Imaaraadka lagu kala iibsanayo Muqdisho.
C/casiis Xildhibaan ayaa waxba kama jiraan iyo been la dhoodhoobay oo aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay wararkan, wuxuuna xusay inay faafinayaan shaqsiyaad ka soo hojeeda in hanaan dowladnimo uu ka hana qaado Somalia.
“Haddii hub laga xaday xerada Jen. Gordan la soo bandhigay xagee lagu soo bandhigay, yaa soo bandhigay, ma jirto cid cadeyn karta, sawirada reuters faafisay waxay ahaayeen qori ama labo afkooda kaliya uu muuqdo oo jawaano hoos looga xiray, taasina cadeyn sax ah ma noqon karto” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.
Afhayeenka ayaa uga digay ragga reuters wararka uga dira Muqdisho waxyaabaha ay baahinayaan ee been abuurka ah sida uu yiri, wuxuuna xusay iney cadeyn lagu qanci karo u keenaan warka ay baahiyeen.
Waxaa uu qiray in Muqdisho iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan suuqyo lagu kala gato hubka oo qarsoodi ah, wax ogolaansho ahna aan ka heysanin dowlada, kuwaasoo buu yiri ka dhashay xaaladihii adkaa ee dalku soo maray.
Sawirro ay Reuters soo bandhigtay ayaa muujinaya Qoryaha loo yaqaano AK-47 oo la sheegay in suuq Madow oo Muqdisho ku yaalla lagu kala iibsanayo.
Qoryo ayaa ka mid ah sida reuters faafisay Hub maalmo ka hor laga bililiqeystay xerada Imaaraadka uu ciidamada ku tababari jirtay ee Gen. Golden oo ku taalla degmada hodan ee Gobolka Banaadir.

Comments