DAG DAG WASIIRKA ARIMAHADA DIBADA SOMALIYA OO SHEEGAY IN DHOWR WADAN DHEX DHEXAADINAYA SOMALIYA IYO IMAARADKA YAA KA MID AH AQARSO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, isagoo meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis  ama is faham labada dal horay u galeen oo ku saabsan heshiiska Dekeda Berbera, kaddib hadal ka soo yeeray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka.
Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in aanay jirin is fahan ama heshiis labada dowladeed galeen, hadii ay jiri lahaayeen ay madaxda tusi lahaayeen, go’aan kale ka qaadan lahaayeen.
Mar wax laga weydiiyay khilaafka labada dal iyo xilliga uu soo baxay ayuu sheegay in khilaafka uu markii hore ku bilowday xadgudub lagu sameeyay Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, isla markaana dhacdadii Diyaaradii lacagta waday ay mar dambe soo baxday.
“Khilaafka wuxuu ka bilowday xadgudub Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya lagu sameeyay, diyaaradda iyo lacagta mar dambe ayay timid, waxay ku soo beegantay waqti Soomaaliya ku jirtay xaalad siyaasadeed oo is bed-bedeleysa, Diyaaradda meesha ay ka timid lama ogeyn, wax wargelin ma soo bixin, sida hey’adaha arrimaha quseeya noo sheegeen waqtigii ay imaan jirtay ma aheyn”ayuu yiri Wasiir Cawad.
Mar uu ka hadlayay waxa ay ka yeelayaan lacagta ayuu sheegay in marka ay soo dhamaadaan baaritaanka ay wadaan hey’adaha quseeya ay lacagtaas dib u celinayaan, dhowaan ay rajeynayaan sida uu yiri.

Mr Cawad ayaa ka hadlay dhex dhexaadin laga dhex wado Soomaaliya iyo Imaaraadka, isagoo xaqiijiyay in dalal dhowr ah oo ay deris iyo saaxibtinimo la ah ay doonayaan inay dhex dhexaadin ka galaan arrintan oo ay ku jiraan dalalka Itoobiya, Masar iyo Sacuudiga.
Sidoo kale waxaa uu meesha ka saaray in wax cudur daar ay ka bixinayaan arrintii dhacday, taasoo laga dheehanayo sida Imaaraadka u doonayo in Soomaaliya raalli gelin ka bixiso dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday Garoonka ee lagu qabtay lacagtii ay waday diyaaradii ka diiwaan gishneyd Imaaraadka.
Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xoogeystay, tan iyo wixii ka dambeeyay 8-dii bishan, markii lacag Imaaraadka Carabta u socotay lagu qabtay Garoonka Muqdisho, waxaana taas ka dhashay in Imaaraadka ay go’aan ku gaarto inay joojiso howshii tababarka Ciidamada.

Comments