DAG DAG WASIIRO KA TIRSAN DOWLADA SOMALIYA OO MARAYKANKA KULA SHIRAYA BANKA ADUUNKA IYO HAY ADA LACAGTA IMF DAAWO SAWIRADA

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Washington uga qeyb galay shir caalami ah oo ay la yeesheen Bankiga Adduunka, IMF iyo xubno ka tirsan Deeq bixiyeyaasha, iyadoo diiradda lagu saaray horumarkii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ka gaartay Maamulka Maaliyadda.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dalalka deeq bixiyeyasha, sida Mareykanka, Britain, Norway, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo IMF.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyeen Wasiirka Kaluumeysiga C/raxmaan C/llaahi Xaashi iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan iyo xubno kale ayaa shirka ka qeyb galay.
Wasiirka Maaliyadda ayaa bartiisan Twitter-ka ku soo qoray in Bankiga Adduunka iyo IMF ay aad ugu qanceen qaabka Maamulka Maaliyadda, isla markaana u balanqaadeen inay ka caawin doonaan arrimaha deyn cafinta.
“Shirka aan la qaadaney Bankiga Aduunka iyo IMF waxey aad ugu qanceen qaabka Maamulka Maaliyadda. Waxey noo balan qadeen in ay naga caawin donaan arimaha Deynta. Waxaan ku daddaalayaa in aan ku shaqeyno si hufnaan iyo aragti fog. GUUL IYO GOBANIMO”ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Beyle.
Dowladda Soomaaliya ayaa horumar weyn ka sameysay nidaamka Maaliyadda iyo dakhliga uruurinta gudaha dalka, taasoo suura gelin doonta in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay




Comments