DAG DAG XABADO CULCULUS OO CAWA LAGA MAQLAYO GUDAHA SUCUUDIGA


Rasaas xoogan ayaa laga maqlay caawa meel ku dhow aqalka boqortooyada ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Afhayeenka rasmiga ah ee booliska degmada Riyadh ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay la socdeen dhaqdhaqaaqa aalad aan la ogeyn waxa ay tahay oo u eg diyaaradaha aan duuliyaha laheyn
Ciidamada ayaa rasaas ku furay aaladaas xili ay ku sugnaayeen xaafadda Al-Khuzami, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa iyana baahisay in sarkaal sare oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya uu ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay caasimadda Riyadh, waxayna wakaaladu sheegtay iney warkan ka soo xigatay saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumada Sacuudiga .
Masuuliyiinta sacuudiga ayaa sheegay iney socdaan baaritaan ku saabsan rasaasta la maqlay iyo sida wax u dhaceen.

Comments