DAG DAG XILDHIBAANADA MUCAARADKA KU AH DOWLADA OO HOGAAN CUSUB MAGACAAW DAY AQARSO YAAWAYE

Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukuumada Soomaaliya ee ku mideysan Kudlada Horusocod ayaa hogaan cusub doortay kadib kulamo maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanadaasi ku lahaayeen Muqdisho.
Kudlada Horusocod Xildhibaanada ku mideysan ayaa isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana kudladan ku jira Xildhibaano caan ah oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.
Xildhibaanada Kudlada Horusocod ayaa u doortay Gudoomiye  Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,  Xoghayaha Kudlada ayaa loo doortay Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan (Caliyow).
Kudlada Horusocod Xildhibaanada ku mideysan ayaa u badan kuwa Mucaarad ku ah Siyaasada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa horey Kudladan Horusocod Gudoomiye ugu ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo horey mucaaarad uhaa balse siyaasadiisa badalay kadib kulan uu dalka Imaaraadka kula qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
Tirada Xildhibaanada ku mideysan Kudladan Horusocod ayaan la ogeyn inta ay dhan yihiin, hasa ahaatee waxaa lagu qiyaasayaa in ay yihiin ku dhawaad 100-Xildhibaan oo u badan kuwa saameyn badan ku dhax leh Baarlamaanka.
Xildhibaanadan Mucaaradka ah ayaa dhoor mar ku guul dareestay in ay mooshin ka gudbiyaan Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre, lamana oga in mar kale si deg deg ah usoo celin doonaan Mooshin cusub oo ka dhan ah Ra’isul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Comments