DAGAALKI KA DHACAY XERADI TABA BARKA EE IMAARADKU KA GUURAY OO UU FAAH FAAHIN KA BIXIYAY TALIYE GOROD AQARSO

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa faahfaahin ka bixiyey iska horimaad culus oo maanta xerada tababarka Imaaraadka ku dhexmaray ciidamo ka tirsanaa kuwii xeradaas ku jiray iyo kuwa Milateriga.
Jen. Gorod ayaa sheegay in iska horimaadku uu bilowday markii askar ka tirsanayd ciidamada lagu tababaro Xerada Jen. Gordan ay isku dayeen inay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku ku jiray keydka xerada.
Taliyaha ayaa xaqiijiyey in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.
“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yar yihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan Karin waxa ay ku kaceen, waxaanna ballan qaadeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.” ayuu yiri taliyaha.
Kama hadlin taliyaha haddii uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay iska horimaadkan balse waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaliyeed markasta ay aaminsan yihiin qadiyadda ay u dagaalamayaan inay tahay difaaca karaamadooda iyo qaranimadda waddankooda, gacan bir ahna ay ku qaban doonaan askari kasta oo ka leexda waajibaadka loo xilsaaray.



Comments