DANAHA IMAARADKA EE SOMALIYA OO LA OGAADAY IYO FASHIL KII UGU DARNAA OO SOO IFBAXAY AQARSO

Waxaa rabaa in aan wax badan ka tilmaamo danaha qarsoon ee aan isleeyahay Imaaraadku waa uu u yimid Soomaaaliya oo waayadan noqotay masrax ay ku isku hardiyaan dalal shisheeye, ka dib markii ay soo baxeen siyaasiyiin Soomaali oo isku badalay dallaaliin aan waxba xeerineyn sida hadaba taagan.
Hadabo, Anigoo ka duulayo aqoonta aan u leeyahay taariikhda Carabta, Tan Caalamka Islaamka iyo waliba sida dhow ee aan ula socdo hardanka ka socda mandiqadda Bariga Dhexe iyo waliba ku xirnaanteyda aan ku xiranahay warbaahinta Carabta, Waxaan iskudayi doonaa inaan la wadaago dadweynaha Soomaaliyeed ee sharafta badan danaha qarsoon ee uu Imaaraadku u yimid dalkeenna Soomaaliya ee hodanka ah.
Marka laga yimaado sheegashada Imaaraadka ee uu sheeganayo inuu Soomaaliya u yimid kaalmeynta dadka Soomaalida iyo dowladdooda, Hadana dhinaca kale, Waxaa jira waxyaabo badan oo qarsoon oo uu Imaaraadku u yimid Soomaaliya sida aanba hoos ku sheegi doono haddii uu rabbi yiraahdo, Waxa ayna kala yihiin :
1- La dagaalanka waxa loogu yeero Al-islaam As-siyaasi oo uu hormuud u yahay urur-weynaha Ikhwaanul Muslmiinka.
2- Ka hortagga joogista dowladda Turkiga ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Rajib Dhayib Ordogaan
3- Qabsashada curaar ahaan ilaha dhaqaalaha ee dalka, Gaar ahaan dekedaha si aysan mustaqbalka ula tartamin kuwiisa.
Sidan soo sheegayba, Imaaraadku waxa uu Soomaaliya u yimid sedexda arimood ee aan soo xusay waa marka laga yimaado waxyaabaha dadka masaakiinta lagu qaldo ee taaguleynta ah, Taana waxaa daliil u ah xiliga uu dalka yimid oo ku beegan imaatinkii dowladda Turkiga iyo waliba soo bixitaankii waxa loogu yeero Al-rabiicul Carabi oo runtii ay si aad ah ula dagaalameen dowladaha Imaaraadka, Sacuudiga iyo waliba xulafadooda gadaasha ka hagta.
Haddii Imaaraadku aannu lahayn dano qarsoon, Muxuu Soomaaliya ugu imaan waayey xiliyadii adkaa ? Muxuu u imaan waayey xiliyadii ay socdeen dagaalada sokeeye ? Muxuu u soo gurman waayey xiliyadii ay jireen abaaraha daran ? Muxuu dekedaha u kireysan waayey xiliyadii ay xaaladdu adkeyd ? Muxuu isugu soo beegay imaatinkii dowladda Turkiga iyo soo bixitaankii waxa loogu yeero Al-islaam As-siyaasi oo ay dad ka joogaan gudaha Soomaaliya ?
Anigu, Waxaan aaminsanahay in Imaaraadku aanu Soomaaliya u iman caawinta dadka Soomaalida iyo waliba dowladdooda, Bal Waxaan aaminsanahay inuu u yimid dalka dano qarsoon oo Isaga u gaar ah sida; Inuu la dagaalamo wadaadada Soomaalida ee siyaasadda ku jira oo kale, Kuwaasi oo qaarkood xiriir la leh ururweynaha Ikhwaanul Muslimiinka ee guud ahaan lagula dagaalmay dalalka Masar, Yeman, Tuunis, iyo waliba Liibiya.
Waxan kaloo aaminsanahay in Imaaraadku uu u yimid sidii loo ceyrin lahaa Turkiga, Islamarkaana loo afjari lahaa joogitaankiisa dalka. Waana sababtaasi sababta uu Imaaraadku ula xiriirayo M. Goboleedyada ay ka midka yihiin Soomaaliland iyo Buntland, Kuwaasi oo aan xiriir toos ah la lahayn dowladda Turkiga. Waxaa kaloo intaa dheer in Imaaraadku uu doonayo inuu la wareego ilaha dhaqaalaha ee dalka sida dekedaha oo kale, Si aysan ula tartamin kuwiisa laabka ku jira.
Maadaama uu Imaaraadku soo dhaafay Alamtara oo uu hadda halis ku yahay midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo waliba dowrka guud ee loo asteeyey Dowladda Federaalka ee uu Caalamka aqoonsan yahay. Anigu, Waxaan qabaa in xiriirka loo jaro, Islamarkaana dalka laga ceyriyo, Si loo ilaaliyo danaha Qaranka iyo waliba haybadda guud ee Dowladda Federaalka. Maxaan ka dhowraneynaa dowlad shisheeye oo halis ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dalkeenna ?
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo go’aankii ay Dowladda federaalku dhowr bilood ka hor ka qaadatay khilaafka u dhexeeyey dowladaha Khaliijka oo ku qotomay dhexdhexaadnimo iyo in laga qeybqaato xalinta khilaafkaasi aan aad looga warqabin waxa uu salka ku hayo, Kaasi oo ay soo dhaweeyeen dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba maadaama uu ka turjumaayey rabitaankooda.
Go’aankaasi, Ayaa nuxurkiisu ahaa: In Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka ee walaalaha ah, Islamarkaana ay dooneyso in wadahadal lagu dhameeyo khilaafkaasi maadaama uu dhaxeeyo dalal Muslmiin ah oo waliba ku wada jira ururo badan oo Caalami ah sida ururka Iskaashiga Khaliijka iyo waliba ururka Jaamacadda Carabta oo kale oo ay Soomaaliyana xubin ka tahay.
Qaraarkaasi, Ayaa dhinaca kale ka tarjumaayey madaxbanaanida dalka Soomaaliya iyo waliba tan Dowladda Federaalka ee uu madaxda u yahay Madaxweyne Farmaajo oo runtii aad mooddo inuu aad uga duwan yahay madaxweynayaashii Isaga ka horeeyey oo intooda badan ay ka muuqatay jileec badan oo sharafta ka qaaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida ay dad badanba aaminsan yihiin oo aan Aniguba ku jiro.
Go’aankaasi, Ayaa sidoo kale ka tarjumaayey maqaasidda diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaalida oo dhamaantood aan raali ka ahayn in dulmi la taageero. Laakiin dhinaca kale, Waxaa go’aankaasi ka xanaaqay daraf ka mid ah darafyadii uu khilaafka u dhaxeeyey sida dowladda Imaaraadka oo kale, Taasi oo dooneysay in la taageero xulafada ay ka mid tahay ee uu Sucuudigu u tun weyn yahay.
Dowladda Federaalka, Ayaa qaraarkaasi ku kasbatay taageero badan oo dal iyo dibad ah iyo waliba sumcad ballaaran wallow ay jireen dalal qadiyaddaasi ku ceeboobay sida Jabuuti iyo Urdun oo kale, Kuwaasi oo si indho la’aan ah u taageeray xulafada Imaaraadka ee go’doomineysay dalka Qadar ee Muslimka ah. Waxaa sidoo kale qadiyadaasi ku ceeboobay qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka sida Soomaaliland iyo Buntland oo kale, Kuwaasi oo Iyagana taageeray xulafada Imaaraadka !!
Talaabadaasi aadka u wanaagsan, Ayaa Caalamka u cadeysey in dalka Soomaaliya uu yahay dal xor ah, Kaasi oo u madaxbanaan go’aankiisa. Waxa ay sidoo kale talaabadaasi Caalamka u cadeysey in hogaanka cusub ee Villa Soomaaliya ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Farmaajo aanu la mid ahayn kii Isaga ka horeeyey ee ay astaanta u ahayd dhuuni-raacnimo, fudeyd iyo waliba jileec aad u badan oo mararka qaar dalka ka dhigay dal bahdilan.
Maxaa ka fiican inaad dhexdhexaad ka noqoto saaxiibadaada marka ay iskhilaafaan, Si ugu yaraan aad uga badbaaddo dhibaatada ka dhalan karta khilaafkooda ? Maxaadse ka faa’iideysaa taageeridda muran u dhaxeeya dalal Muslimiin ah ? Goormaanse noqonay dad dhuuni-raacyo oo aan qiyam lahayn? Sow lama oga waxa ay diinteennu ka tiraaahday marka ay is-khilaafaan dad Muslimiin ah ? Mise Diintu, Waxaa ka muhiimsan masaalixda Aduunyo !!
Sow Alaah ma oran aayadda 10-aad ee suutarul Xujuraad “Mu’miniintu unbaa walaalo ah ee heshiisiiya dhexdooda, Allaahna kabaqa ” Sow Nabigeenna ma oran “U hiilli walaalkaa haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahayba” Markaasaa Nabiga (SCW) la weydiiyey sidee loogu hiilinayaa haddii uu Isagu gardaran yahay ? Waxa uuna ku jawaabay” Gacanta ayaad qabaneysaa si uu dulmiga uga joogsado”
Marka aad u fiirsato hogaaminta Madaxweyne Farmaajo, Gaar ahaan midda quseysa siyaasadda arimaha dibadda ee dowladdiisa, Waxaad arkeysaa inuu guulo waa weyn soo hoyey. Waxaad kaloo arkeysaa in Madaxweynuhu uu yahay nin adag oo aan laga leexin Karin wadada uu ku socdo, Taana waxaa u daliil ah adkeysiga ay muujineyso dowladdisa oo wajaheysa culeysyo badan oo uga imaanayo dalal haysto dhaqaalo badan oo ay wax ku kala furfuraan sida Imaaraadka oo kale.
Laakiin marka aad gudaha eegto, Waxaad arkeysaa inaan wax badan la qaban. Tusaale ahaan, Ma jiro qorshe dib-u-heshiisiineed oo ilaa hadda la soo bandhigay. Ma jiro qorshe lagu soo xira-gelinayo maamulka ka dhisan magaalada Hargeysa oo wax badan tabanayo. Sidoo kale, Ma jiro qorshe Isagana lagula heshiinayo Xarakada Al-shabab oo ilaa hadda ay u maarawaayeen ciidamada shisheeye ee dalka jooga oo ay ku jiraan kuwa Xabashida ee liitaa.
Madaxweynaha, Waxaa looga fadhiyey inuu soo bandhigo hanaan cusub oo dalka lagu nabadeeyo, si loo soo afjaro dagaaladan macnodarada ah ee ay ku le’anayaan dhalintii dalka. Waxaa sidoo kale, Madaxweynaha looga fadhiyey inuu soo bandhigo qorshe dalka looga saarayo ciidamada shisheeye, Gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya oo masuul ka ah burburkii ku yimid Qarankeenii xoogga badnaa. Nin ku dilay har ma kuu jiidaa ??
Guud ahaan, Hab-dhaqanka cusub ee ay la soo baxday Dowladdan Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, Ayaa rajo badan gelisay dad badan oo Soomaali ah, Kuwaasi oo dareemay dowladnimo iyo sharaf xilli lagu jiray quus iyo rajo beel.  Waxaana kula talinayaa Madaxweynaha iyo tiimkiisa inay ku sii socdaan wadada ay hadda ku socdaan oo aysan gorgortan ka gelin midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo qaadashada go’aano wanwanaagsan.
Waxaan kaloo kula talinayaa Madaxweynaha iyo tiimkiisa in lagu sii socdo siyaasadda dhexdhexaadnimada ah, Gaar ahaan marka uu yimaado muran u dhaxeeyo dalal Muslimiin ah maadaama siyaasadda dhexdhexaadnimada ay ka tarjumeyso waxyaabo badan oo aannu u taagannahay as Somali people, halka ay dhinaca kale siyaasaddaasi xaqiijineyso masaalix badan oo loo baahan yahay. Ma qabo runtii inaan noqonno dad dhuuni-raacyo ah oo aan qiyam lahayn.
Ugu danbeyn, Waxaan qabaa inuu saxnaa go’aankii dhexdhexaadka ahaa ee ay Dowladda Federaalku dhowr bilood ka hor ka qaadatay murankii u dhaxeeyey dowladaha Khaliijka ee walaalaha ah maadaama uu go’aankaasi ka tarjumaayey madaxbanaanida dalka iyo waliba qiyamka dadka Soomaalida ee dalkan iska leh. Waxaan kaloo qabaa inuu go’aankaasi dalka ka badbaadiyey dhibaatooyin badan oo dhici lahaa haddii dhinac la raaci lahaa. Ha guuleysato Soomaliya.

Comments